Wasiiradii Muslimiinta ahaa ee Dhawan Iska Casilay Xukamada Sri Lanka Oo Dib Ugu Noqday Xilalkoodii.
Afar Wasiir oo Muslimiin ah oo xilka iska casilay dhowr bilood ka hor ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen Xilalkii ay ka hayeen Dowladda Sri Lanka.
Wasiiradaasi waxaa horey loogu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay in ka badan 250-qof oo ku sugnaa Kaniisado ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kolombo, bale, Baadhitaano kadib, waxaa la ogaaday inay Wasiiradaasi ku lug lahayn dhacdadaasi.
Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Wasiiradaasi xalay la kulmeen Madaxweyne Maithripala Sirisena, isla markaana la isku racaay inay dib u hawl galaan.
Afarta Wasiir ee dib ugu soo laabtay Xilkooda oo ka mid ahaa 9 Wasiir oo bishii hore iska casilay xilalkooda, waxayna ka cadhoodeen, ka dib markii Wasiirkii Wershadaha iyo Ganacsiga, Rashiid Bathidiin lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkaasi, inkastoo uu isagu beeniyey arrintaasi.
Weerarkii qaraxyadda lahaa ee ka dhacay dalkaasi waxaa sheegtay Kooxda Jamaacatul- Towxiid oo xidhiidh la leh Maleeshiyadda Daacishta ku sugan Koonfurta Qaaradda Asia.
By Suxufi Sinyoore