Lonon Lix daqiiqo oo kasta taleefan baa lagu xadaa, sida boolisku sheegay

Shirkaddaha taleefanada ayaa loogu baaqay inay gacan ka gaystaan sidii loo yarayn lahaa xatooyada kaddib markii xog cusub oo uu boolisku soo saaray lagu sheegay in lix daqiiqo oo kasta taleefan lagu xaday magaalada London sanad kii la soo dhaafay.

Booliska ayaa sheegay in 90,864 mobile la xaday sanad kii 2022, waxana maalintii oo kaliya la xadi jiray 250 xabo.

Wakiilo matalayay shirkaddaha taleefannada ee UK ayaa sheegay inay qaadayaan talaabooyin lagula tacaalayo xatooyada mobile-da.

Shirkaddaha hoggaaminaya mobile sameynta ee Apple iyo Samsung ayaa la waydiistay inay jawaab bixiyaan.

Warqad furan oo ay direen duqa London Sadiq Khan iyo madaxa booliska Sir Mark Rowley ayay ku sheegeen in loo baahan yahay in la hormariyo barnaamij xal u keenaya in la yareeyo dambiyada la xiriira xatooyada mobile-da.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker