BEEN SHEEG OO HADANA BEEN SHEEG OO KU CEL CELI ILAA IYO INTA DADKU RUMAYSANAYAAN .

Waxa laga soo weriyay ra iisal wasaarihii ingiriiska churchil :(( runtu waa mid qaali ah , sidaa awgeed waa inaynu ku ilaalinaa ciidan xoog badan oo hareeraha kaga xeernaa oo been badan huwinaa  )) . hadalkaa waxa lamid ah ,  kii uu ku celcelin jiray  wasiirkii barobagaandada (warfaafinta) ee hitler << been sheeg oo hadana been sheeg ilaa iyo inta ay dadku beentaada rumaysanayaan >>

Hadaba iminka waxaad la mooddaa in siyaasiyiintu dhaqankaa qaadatay (been sheeg) oo ay shicibka doonayaan inay beenta run uga dhigaan (riyo beena ku seexiyaan ) .
Siyaasiyiinta ssomaliland na waxay doonayaan inay dadka ku qanciyaan beentaa ay sheegayaan , runna uga dhigaan .
 Siyaasaduna caynkaa maaha ay khaladka ay  ka fahmeen ee siyaasaddu waxa weeye wax qabad iyo adeeg bulsho .
Siyaasaddu maaha in been shacabka lagu hogaamiyo ,siyaasaddu maaha in biriijyo beena oo aan tiirar lahayn la dhiso , waxaad arkaysaa  qaar sheegaaya been aan raad iyo sal toonna lahayn , waxaad ka cadhoonaysaa marka aad aragto qaar beentii ay sheegayeen rumaystay oo marka lagu soo qabto , isaga oo qawlalada ka xunbaynaaya warbaahinta inta uu isa soo hortaago , difaacaaya weliba beentiisii oo hadalo iska wada daba imanaaya ku hadlaayo .  markaasaa waxad isway diinaysaa : waar qofkanu miyaanu is maqlayn isagaaba is kashifaayee .
Waxaynu aragnay siyaasi ( mas uul ) musuq maasuq lagu xidhay oo maxkamaddu denbigii ku heshay  oo la xidhay oo hadana layska soo daayay …
Waxaynu kaloo aragnay mid kale oo denbi lagu hayo oo layska soo daayay . tolow hadaba macaaladdaa bugta ? maxuumadahaa caykan ah ? ma dawlad nimadaa sidan ah ? xaggay wax si ka yihiin ? xaggay wax ka khaldan yihiin ? waa maxay sida tani ? siyaasaddu ma been wax ku maamul baa ? ma been sheeg baa ?
Siyaasiyiintu dhib wayn bay shicibka ku hayaan – musuqmaasuq – niyad jebin – kala ee xasho – qabyaalad – kala qaybin – sharci ku tumasho – awooddii oo ay ku adeeganayaan – cashuur toodii oo ay urur sanayaan – caddaalad darro – faqri – rajo xumo .
Hadaba beenta iyo qori is maris nimadu weligeed socon mayso , taakhdana dib u raaca .
Codkii laydi n ku doortay ayaa laydin ku ridi doonaa ee ogaada .
wixii laydin ku aaminay ee laydiin dhiibtay na , waa laydin kala xisaab tami doonaa …. taana ogaada …
 Beenta aad sheegay saanna ma rumay sanayno TAANA OGAADA  . waanu idn baranay … eeb TAANA OGAADA …
WABI AL LAAHI ALTAWFIIQ
CALI MAXAMED BIIXI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker