Golaha Abwaaniinta Somaliyeed oo Taageeray Raiisul wasaare Rooble

Muqdisho (OWN) – Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada ka taagan xarunta Villa Somalia ee ka dhalatay shaqo ka joojinta agaasimihii hay’adda nabad sugidda.

Ugu horreyn Abwaanada Soomaaliyeed ayaa taageero u weyn u muujiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ay shaaciyeen inay boggaadinayaan tallaabada uu qaaday ee shaqo ka fariisiinta Fahad Yaasiin Xaaji Dahiir.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in lagu garab istaago dadaallada uu Ra’iisul wasaaraha ugu jiro inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dishay Al-Shabaab.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha iyo agaasimaha cusub ee hay’adda NISA, isaga oo ka dalbaday inay dib u habeyn ku sameeyey, sida ay haatan u shaqeyo hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya.

“Waxaan ku talinayaa ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha loo dhiibay hay’adda nabad sugida meesha waa lagu aasanyahee si fiican isaga sifeeya,” ayuu yiri Abwaan Guure.

Dhankiisa Abawaan Xirsi Nuux Maxamed oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamada ugu baaqay inay garab istaagaan ra’iisul wasaaraha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker