Gabadhii yareyd ee lagasoo bad-baadiyay dhismihii ku dumay ee dhul gariirkii Suuriya iyo halka ay ku dambeysay
Markii Afraa laga helay burburka dhismo ku dumay Suuriya, xuddunta ayaa wali ku dhegganeyd hooyadeed ayaa geeriyootay wax yar kadib markii ay umushay.
Muuqaalka laga soo duubay cunuga yar oo laga soo badbaadiyay dhul gariirkii bishii February ayaa dunida soo qabsaday, tan iyo markaasi waxay samaysay soo kabasho cajiib ah.
Maanta, Afraa waxay jirtaa lix bilood waa ilmo faraxsan oo caafimaad qaba.
Eeddadeed iyo adeerkeed ayaa iyada iyo toddoba carruur ah ku korinaya magaalada Jindayris ee Suuriya, oo aan ka fogayn xadka Turkiga.
“Weli aad bay u yar tahay laakiin waxay i xasuusinaysaa aabaheed iyo walaasheed Nawara, gaar ahaan dhoola cadeynteedii. Waxay ku dhinteen dhulgariirkii ,” ayuu yiri adeerkeed, Khalil al-Sawadi, oo haatan gacanta ku haya.
6dii Febraayo, dhulgariir ba’an ayaa ku dhuftay koonfurta bari ee Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, kaas oo dilay in ka badan 44,000 oo qof.
Wax yar ka dib dhulgariirkii ba’naa ee ku dhuftay Jindayris, Afraa hooyadeed way foolatay oo waxay ku hoos umushay burburka gurigeeda, weyna dhimatay ka hor intaanay samatabbixiyeyaashu helin.
Afraa waxay ahayd xubinta kaliya ee qoyskeeda dhow ee badbaaday aabaheed, Abu Rudaina, iyo afar walaalaheed ah ayaa dhintay iyo hooyadeedba.
Khaliil ayaa si cad u xusuustay markii uu burburka hoostiisa ka soo saaray Afraa: “Saqafkii ayaa ku dul dhacay, qof baa isoo wacay oo igu yiri waxay heleen meydka qof dumar ah, isla markii aan imid, waxaan bilaabay inaan qodo, kadibna waxaan maqlay cod, axayna ahayd Afraa wali waxay ku dheggan tahay hooyadeed, waxaanu go’aansanay inaan badbaadino, waxaanu garanaynay inay noqon doonto xusuusta keliya ee ka hartay qoyskeeda.” ayuu yiri.
Muuqaal cajiib ah oo ku saabsan gurmadka ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana uu noqday mid si weyn u faafay. Cunuga yar ayaa loo qaaday isbitaalka waxaana markii hore loo bixiyay magaca Aya oo macneheedu yahay mucjiso afka carabiga.