Midowga Yurub oo dib u dhigay lacagtii mag-dhowga ahayd ee La siin lahaa askarta Kenya ee Amisom
Nairobi (OWN) โย Midowga Yurub ayaa mar kale dib u dhigay magdhow la siin lahaa Ciidamada Kenya ee qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya.
Midowga Yurub iyo deeq bixiyaasha kale ayaa dib u dhigay magdhowga Ciidamada Kenya muddo seddex bilood ah kuwaas oo dagaal kula jiro Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Soomaaliya.
Lacagtan ay dib u dhigeen Midowga Yurub iyo deeq bixiyaasha kale ayaa la sheegay inay Dowladda Kenya codsaneysay illaa Bishii July sida laga soo Xigtay Hantidhowrka guud ee dalka Kenya.
Lacagtaan oo Magdhow ahaan loo siinayo Dowladda Kenya ayaa ah waxyeelada ciidamadeeda kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
Lacagtaan ayaa gaareyso ilaa 48 kun oo Dollarka Mareykanka ah, waana khasaarihii Ciidamada Kenya kasoo gaaray dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan mudadii Shanta sano aheyd oo ay ku sugnaayeen Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa horey uga shakiyey tirada ay Dowladda Kenya sheegtay inay kaga dhinteen howlgalka AMISOM, waana sababta ugu weyn ee keentay inay dib u dhacaan lacagahaan magdhowga ah.
Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu sheegay ilaa 4 kun oo Askari oo inta badan ku sugan deegaanada uu ka taliyo Maamulka Jubbalanad ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
28-ka waddan ee Midowga Yurub, oo ah kuwa ugu badan ee lacagaha ku deeqo AMISOMย iyada oo loo marayo Xarunta Nabadda ee Afrika, ayaa bishii Abriil ballan qaaday inay sii wadi doonto taageeridda barnaamijyada howlgalka iyo howlaha sanadka maaliyadeed ee 2019/20.
Miisaaniyadda howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa inay hoos u dhacdo sannadaha soo socda iyadoo si tartiib tartiib ah Ciidamada AMISOM looga saarayo dalkaan dhaco Geeska Africa.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa Bishii mushaar ahaan loo siiyaa illaa $1,028, waxayna Dowlahooda ka jartaan 200 oo Dollar taasoo ka dhigan in Askari kasta uu helo 800 oo Dollar oo nadiif ah.
Ciidamada Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu wareejiyo guud ahaan Amniga Soomaaliya maadaama uu qorshaha yahay in Ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya sanadka 2021.