Mareykanka oo xayiraad saaray saraakiil ka tirsan Mali sababo la xidhidha ciidamada Wagner
Mareykanka ayaa xayiraad saaray saddax sarkaal oo Mali u dhashay kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Wanger ee Ruushka.
Mareykanka waxay ku eedeeyeen saraakiisha in dadka reer Mali ay ka dhigeen kuwa dhibane u ah xadgudubyada kooxda.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dhaawaca iyo dhimashada rayidka ay saddax laab noqotay ilaa markii ciidamada Wanger la geeyay Mali Desember sanadkii 2021-kii
Toban sano gudaheed wadanka waxaa ka dhacay saddax afgembi oo militerigu hoggaaminayeen.
Wadanka waxaa joogay ciidamo shisheeye oo la dagaallamayay kooxaha jihaad doonka.
Qaramada Midoobay waxaa dalka ka joogay 12-kun oo askari, waxayna dowladda Mali u sheegtay inay ciidamadooda la baxaan kuwaas oo kooaha xagjiriinta la dagaallamayay ku dhawaad 10 sano.
Kooxda xuquuqda aadanaha, Human Rights Watch (HRW), waxay sheegeen in rayid badan si sharci darro ah loo dilay iyado qaar kalena la waayay.
Ciidamada Faransiiska ayaa dalka ka baxay halka kuwii UK ee dalka joogay ay baxeen ka hor waqtigii la qrosheeyay
Mali waa dal go’doon ah oo aan bad laheyn. Luuqadda Faransiiskana oo aheyd tan rasmiga ee looga hadlo dalka ilaa iyo 1960-kii ayaa meesha laga saaray.