Shirkii Jabuuti: Muse Iyo Farmaajo Kee La Lagday
Madaxwayne Muse Bixi
Muuse wuu garnaqsaday. Adduun-waynaha oo fadhiya ayuu hor dhigay dareenka qofka Somaliland ka qabo midnimadii 1960kii, iyo khasaaraha laga dhaxlay , Iyo sida shacabka Jamhuuriyadda Somaliland aanay diyaar igu ahayn inay la midoobaan Somalia. Inaanay intooda badani Xamar maqal mooye waligood arag – Xamar inaayay uga duwanayn Addis amma Nairobi.
Waftiga Somaliland wuu is qaybiyay, Muuse iyo Sulaiman arrinka iyo garta way adkeeyeen , halka Yasiin Fartoon hadalka debciyay . Wa Strategy laga laga dhaxlay SNM Iyo Qaaxo oo la yidhaa KU Jiqsii. Mr Farmaajo JIQ ayaa lagu siiyay si tanaasul hor leh looga saxeexo.
Madaxwayne Farmaajo
Mr Farmaajo kalimaddii uu madasha ku jeediyay waxay u badnayd mahad-naaq iyo duco. Somaliland waa Gobol iyo waa Qaran midna muu odhan . Farmaajo wuu ka badhedhay inaan cidi fahmin wuxuu diidanyahay iyo wuxuu doonayo – Waa strategy la yidhaa FARTA SHIINAHA. Mr Farmaajo waa nin Xamar dab kaga shidanyahay. Isagu shirka wuxux ka doonayay in la yidhaa wadahadalkii Somaliland iyo Somalia ayaa dib u furmay. Wuxuu doonayaa inuu sheekadaas oo kale ka iibiyo Jubaland , Puntland iyo ciddii kale ee suuqa beenta laga helo.
Faaiido Iyo Khasare
Qaban-qaabinta
- Labada dhinac minda waxa buuran ma faaiidin.
- Qaban-qaabiyayaasha shirka sida Safiirada US iyo EU way ka maqaam hooseeyaan Standard-kii lagu yiqiin reer galbeedka. Waxaa looga fadhiyay inay arrimaha laga wada hadlayo sii jilciyaan oo qodabada la isla qaadan karo sii lafo guraan ooy jeebka ku sittaan . Ka dibna Wufuuda Somaliduna arrimaha aan heshiis lagu ahyn ay isla jilciyaan ooy ka doodaan,
Somaliland
- Somaliland waxay beenisay sheekooyin meelaha lala warwareego oo yidhaah mawqafka Somaliland sidaa uma foga oo dhaqaalo iyo manaasiib iyo waxaan dhaamin ayaa lagu furdaamin kara.
- Somaliland waxay shirka u timi inay adduunka oo ka markhati ah Mr Farmaajo iyo Cidda ka dambaysaa ka saxeesdo inay fara kala baxaan oo hagar-daamada ka daayaan Maalgashiga Ajanabiga, Horumarka iyo Kaalmada Addunku siinayo Somaliland . Maanta ayaa kuugu dambaysa Berbera Corridor ma ogolin iyo kaalmada UN , USA , EU etc ay Somaliland u qoondeeyeen Xamar horta la soo mariyo.
Somalia
- Mr Farmaajo wuxuu shirka ka faaiiday dhinaca Public Relationka iyo inay dawladaha waawayni isaga dartiis shirkan u qabteen. Taas oo culayskii kaga imanayay dhinaca Xamar ka fududeeyay. Jubaland iyana kalimad ayuu u gudbiyay in kasoo hadal uu daba dhigay Axmed Madoobe qawaday. Famaajo waxa mar kaliya ka hor yimi Jubaland, Puntland, Golahii Sare, Axsaabtii siyaadadda iyo reer Banadir oo Xukuumadiisa biiliya.
- Farmaajo maxaa lagula collobay : Qawlkiisa iyo Ficilkiisa ayaan is lahayn. Mr Farmaajo markuu Xamar ku noqdo wuxuu ummadda Somalia u sheegayaa inuu Somaliland iyo Jubaland la heshiiyay , Puntland iyo daneeyeyaasha siyasadda ee kalena hadda la heshiinayo. Waxaa soo hadal ah waxba kama jiraan. Waxaa dabeecaddaas afka qalaad lagu yidhaa: Self Selling Italian Style.