Ethiopia oo oo dib usoo celisay isticmaalka baraha bulshada
Ethiopia ayaa u ogolaatay dadka reer itoobiya inay isticmaalaan baraha bulshada sida Facebook, Telegram, TikTok iyo YouTube markii ugu horeysay muddo shan bilood ah.
Joojinta ayaa la soo rogay 9-kii bishii February ee sanadkan kadib markii ay xiisad ka dhex aloosantay kaniisada Orthodox ee Ethiopia iyo dowladda.
Kaliya kuwa haysta software-ka shabakada gaarka loo leeyahay (VPN) ayaa geli karayey aaladaha warbaahinta bulshada – Taas oo qiime dheeri ah ugu kaceysay.
Kaniisadda Ortodokska ayaa bishii February ay soo wajahday kala qaybsanaan kadib markii qaar ka mid ah wadaadada sare ee ka soo jeeda gobolka Oromia ay sheegeen in ay doonayaan in ay sameeyn ku yeelatay ganacsiga , qaar kale ayaa sheegay in khasaaruhu uu intaasi ka badanyahay.
Talaabadan ayaa dhalisay isku dhacyo dhimasho iyo dhaawac sababay, balse dadaal dhex dhexaadin ah oo ay sameysay dowladda ayaa hadda xiisada lagu dhameeynayaa.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka oo ku aadan go’aanka xayiraada laga qaaday.
Degaano ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, halkaas oo ay ka jireen colaado laba sano jirsocday oo bishii November ee la soo dhaafey lasoo gabagabeeyay ayaa weli aan internetka laga isticmaalin.