Wararkii Ugu Danbeeyay Mukhtaar Rooboow Oo Laga Dajiyay Magaalada Muqdisho Iyo Ciidamada Sirdoonka Ee NISA Oo la Wareegay.

Muqdisho-(OWN)-Wararka naga soo gaadhaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegaya in goor dhaw halkaa laga soo dajiyay Sheekh Mukhtaar Rooboow .

Wararka  ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay xaqiijiyeen in Mukhtaar Rooboow laga soo   diyaarad yar oo kuwa rakaabka qaada ah oo ka timid magaalada Baydhabo laguna wareejiyay ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda NISA oo halkaa uga qaaday gadiidka qafulan.

Lama oga halka ay u kaxeeyeen mas’uulkan oo ka mid ahaa musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xadhiggiisa ayaa xiisad adag ka abuurtay magaalada Baydhabo oo wali meelaha qaar laga maqlayo rasaas u dhaxeysa ciidamada nabad-galyada iyo dad ka cadheysan xadhiggiisa.

Dowladda federaalka horay Mukhtaar Rooboow waxaa ay uga joojisay in uu isku soo taago xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, hasse ahaatee arintaa waa uu ku gacan-seyray, waxaana uu labo jeer oo is xigta shahaatada musharaxnimada uu ka qaatay guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker