Madaxweyne Muuse Biixi , Goorma ayuu Ka korayaa Cuqdadda, iyo Kala Faquuqa Somaliland

Madaxweyne Muuse,   Markii looga  Tanaasuley, Doorashaddii  Abu Qureeb iyo Sagaljet  ,  ee  u Goaanka  geesinadda leh qaatey Gudoomiye Cirro, waxaa laga filaayey in hore loo socdo, oo uu  Madaxweynuhu ururinta  isku soo jiidka, walaaleenta  Bulshadda sharafta badan ee Somaliland uu ka shaqeeyo,  oo Runtii  la is lahaa Maanta muuse waa waayo arag, waa waayeel wax badan soo maray, waxuu ka shaqayn doonnaa   Mideynta  shacabka Somaliland, Taasi   may dhicin  ilaa maanta  waxaad mooddaa  inuu  Muuse ka shaqaynaayo, Kala qaybinta   , Colaad hurinta, qoqobka iyo kala fogeynta Shacabka walaalaha  ah ee reer Somaliland.

Wiilwaal  waxaa laga hayaa, Ragg  walaal  wuxuu ku dhaamo la waa.  Muuse  shaqadda ugu  mihiimsan  ee laga rabbaa  waxay tahay Mideynta shacabka, waayo  Quluub kala jeeddaa Qaran ma dhisto,  Marka shacbigga Jamhuuriyadda barakeysan ee Somaliland Meel u wadda socdo ayaa Horomar la gaadhi karaa, Waxaana marag ma doonto  ah in shacbka Somaliland yahay  dad  xariir ah, oo  dhaqan u leh wadda noolaashaha
Waxaa Yaab leh, in Wasiirka  ku  hadlaya afka madaxweynaha ee warfaafinta, uu    70%  boqolkiiba Toddobaatan Shacabka  Sharafta badan ee Somaliland Aflagaadeeyo  oo ah taageerayaasha  Xisbigga qaranka ee Waddani, Waa  Madaxweyne Muuse oo ka dhex hadlaaya Wasiirka, ileen af aan kugu oolin ma qabatid,  Taloow ma ogyahay in taageeradda Madaxweyne muuse  tahay  GOLJANNO   ilaa  GABILEY  oo  aan dhamaantood   taageero u haynin. Kadib  falalka Arxandarradda ah  Dhulboobka ah ee lagula Kacay, haweenka iyo caruurta  reer Xassan Dalab.
Haamihii Shidaalka  waxuu siiyey  Dawladdo shisheeye  oo ay wadda shaqaystaan,
Ina Geelle  arab, Wuxuu rabey inuu si hoose ugu gudbiyo Djibouti
Xarrun  Boqortooyo  ayaa xarraf oo ah xaafaddiisa ka dhisayaa,  mulkiilahii  dhulkaas ee INa xassan dalab waa loo awood sheegtey.
Laba  Wiish oo Duug ah, ayaa  Dekaddii  berbera  dadka looga dhigayaa iney shaqqo socoto
UAE ayaa lacag la’aan lagu siiyey  Madaarkii berbera
30 sanno ayaa Dpworld  la siiyey  dekkaddii berbera oo  ahayd dhaqaalaha Somaliland
Sixir Barrarku waa halkiisii
Maciishaddu waa  Qaali Dhaaf
Mashruucii  Jidka Berbera -Wajaale oo  Fashilmey  oo  hadda wadadii horre la xoqxoqayo
Arrimaha  culculus ee u baahan in wax laga qabto, aad bay u badan yihiin, laakiin  arrintii  ugu Mudnayd ee   ahayd  in shacabka la walaaleeyo, la isku soo dhaweeyo oo aan wax wuxumaan ah la kala dhex dhigin,  waxaad  mooddaa in muuse aanu   fikirba ka haysanin, muhimadda ay midnimaddu leedahay,   Muuse ma ogga.   Madaxweynuhu Garashadiisu waa  Qaybyaaladd  Kala  kaybin, taasi Qarran Dhisi mayso.
keyse Kahin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker