Mareykanka oo sheegay inuu dilay hogaamiyaha kooxda daacish

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay weerar xaga cirka ah, kaas oo uu ku dilay hogaamiyaha kooxda isugu yeerta dowladda islaamka ee ISIS, Usamah al-Muhajir, xili uu ku sugnaa Bariga waddanka Suuriya.

Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay, in dilka hogaamiyahaas ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca MQ-9.

Washington ayaa sanadkii tegay howgallo ka dhan ah ISIS ka bilowday Suuriya iyadoo dishay isla markaana xirxirtay qaar kamid ah hogaamiyeyaasha kooxdaasi

Mareykanka ayaa hogaaminayay howgal lagu dilay hogaamiyihii hore ee ISIS, Abu Bakr al Baghdadi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker