Xidiga ay sida wayn u doonayso Man United ee Jadon Sancho oo lagula Taliyay inaanu Ku Biirin Naadigaas
Ma United ayaa si weyn loola Xidhiidhinayaa xiddiga da’da yar Jadon Sancho ee ka tirsan Borrusia Dortmund, balse waxaa lagula taliyay inuu iska diido hadii uu dalab ka helo kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford.
Xiddigaan waxaa la rajeynayaa inuusan wakhti dheer kusii qaadan garoonka Signal Iduna Park, waxaana la aaminsan yahay inuu yahay xiddig mustaqbal wanaagsan leh isla markaana wacdaro ka dhigi kara dunida kubadda cagta.
19-jirkaan ayaa ku sugan Dortmund kaliya laba sanadood, wuxuuna kusoo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, 2017 ayuu xiddigaan isaga tagay kooxda Manchester City.Jadon Sancho wuxuu dhaliyay 3-gool, 7-kulan uu fasalkaan u saftay kooxdiisa, sidoo kalana waxaa lagu daray liiska qaranka England ee wajahay Czech Republic iyo kuwa wajahi doona Bulgaria.Ian Darke oo ah tabiye dhanka kubadda cagta ah ayaa xiddigaan kula taliyay inuu iska dhaafo Red Devils maadaama ay tahay tallaabo uu hoos u qaaday.Inuu ka tago Dortmund kuna biiro Man United?” Maya waa tallaabo uu hoos u qaaday” ayuu u sheegay ESPN.