Shir-doceedyo Caasimada Hargeysa Uga Socda Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Nuxurka..

Shir-doceedyo Caasimada Hargeysa Uga Socda Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Nuxurka kulanadda La Isaga Dabqaadayo Ee Xiisada Siyaasadeed

Maalmihii u Dambeeyay, Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Waxaa Ka Socda Shird-doceedyo aann fooda lagu kala Qaadin, oo ay Xisbiyada Mucaaridka ahi la Qaadanayaan, Taageerayaashooda, iyo Siyaasiyiin ka biyo ka diidsan Xukuumadda Kuwaas oo ay Wararku sheegeen, in uu Nuxur ahaan la xidhiidho Sidii Gobolada Dalka looga qaban lahaa dhawaan Mudaharaad Salbalaadhan, oo Lagaga Jawaab celinayo Baaqii Murrashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro, ugu baaqey taageerayaashiisa.

Kulanadan ayaa noqonaya, Kuwii ugu badnaa ee Noociisa ah, oo Madaxda Xisbiga Waddani la yeeshaan taageerayaashooda tan iyo intii ay talada haysey Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxaaney Wararku intaa ku dareen, in Shirarka Hargeysa uga Socda Mucaaridka, ay Markii u horeysay Qeyb ka noqdeen Qaar Kamid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka iyo Waliba Madaxda Ururada Cusub ee dhawaan lagu dhawaaqey qaarkood, Kuwaas oo la sheegay in Mucaaridku kala hadleen Sidii loo Xoojin lahaa la isagana kaashan lahaa Dhadhaqaaqyada Mucaaridnimo ee Golaha Wakiilada dhexdiisa.

Sikasta oo ay arimuhu u Socdaan, Xukuumadda talada haysa, ayaa iyadduna Geesteeda Kujirta Foojigo Dheeraad ah oo Ku Wajahan dhaqdhaqaaqyada Hargeysa uga Socda Xisbiga Waddani.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker