Taalibaan oo amar ku bixisay in la xiro goobaha ay haweenku isku qurxiyaan
Taalibaan ayaa amar ku bixisay in goobaha isqurxinta iyo timajarida ee Afgaanistaan la xiro xayiraadii u dambaysay ee soo food saartay haweenka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Xumaan Reebista iyo Wanaag Farista ayaa u sheegay BBC in meheraduhu ay haystaan hal bil si ay ugu hoggaansamaan amarka , laga bilaabo 2-da July oo ah markii ugu horreysay lagu wargeliyay tallaabadan.
Xoriyada haweenka ayaa si isdaba joog ah hoos ugu dhacday tan iyo markii Taaliban ay la wareegeen awoodda 2021.
Taaliban ayaa ka mamnuucay gabdhaha iyo haweenka da’yarta ah fasallada, jimicsiga iyo jardiinooyinka, iyadoo ay ugu dambeyntiina xitaa laga mabnuucay inay u shaqeeyaan Qaramada Midoobay.
Taalibaan ayaa sidoo kale go’aamisay in dumarka ay u labistaan qaab indhahooda oo kaliya ay muujinayaan, waana in uu la socdaa nin muxram u ah haddii ay ku safrayaan in ka badan 72km .
Xayiraadaha ayaa sii socday inkastoo cambaareyn caalami ah iyo mudaaharaadyo ay sameeyeen haweenka iyo sidoo kale kuwa u dhaqdhaqaaqa haweenka .
Xukuumadda Taalibaan ma aysan sharraxin waxa keenay mamnuucida, ama waxa lagu bedelay haddii ay jiraan oo ay heli karaan haweenku marka la xiro goobaha lagu qurxiyo.