Jeniin:Gawaarida degdeg ah oo gali waayay xerada si ay u gaaraan dadka dhaawaca iyo kuwa dhintay
Xerada qaxootiga ee Jenin ayaa la xiray sababo la xiriira dagaalka halkaa kasocda, waxaana tani ay ka dhigan tahay in gaadiidka gurmadka degdega ah ay ku dhibtoonayaan inay gudaha u galaan xerada.
Waxay u badan tahay in la arko khasaare badan, inkastoo khasaaraha la xaqiijin doono oo keliya marka ay gaadiidka gurmadka deg-degga gaaraan dhaawacyada iyo kuwa dhintay.