Reysul wasaaraha Ingiriiska oo ka hadlay xaaladda ka jirta Ruushka

Guddiga xaaladaha degdegga ah ee dowladda UK, Cobra, ayaa kulmaya si ay uga wada hadlaan xaaladda Ruushka, sida ay BBC-du ogtahay.

Raiisel wasaare Rishi Sunak ayaa la filayaa inuu la hadlo xulafada kale ee caalamiga ah galinka dambe ee maanta.

Waxa kale oo uu bixiyay jawaabtii ugu horreysay ee Mr Sunak ee xaaladda ka jirta Ruushka.

Isagoo la hadlayay weriyaha BBC-da Laura Kuenssberg, wuxuu sheegay in UK ay ugu baaqayso “dhammaan dhinacyada inay mas’uuliyadda muujiyaan oo ay ilaaliyaan nolosha rayidka”, iyo in ay jirto talo soo jireen ah oo ka dhan ah u safrida Ruushka.

Waxa kale oo uu sheegay in xaaladdu ay tahay mid isa soo taraysa, UK-na ay la xiriirtay xulafadeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker