Somaliya iyo Midowga Yurub Oo Kala Saxiixday Heshiis Cusub Oo ku Saabsan EUCAP.(Sawiro

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa Shalay  oo Axad ah ku kala Saxiixday Magaalada Muqdisho Heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee Awood dhisidda Tababar ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

 

Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dawlda Federaalka ah ee Somalia  Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

 

Heshiiskan Waxaa uu Qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimadda  u leh qorshayaasha Nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo Awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Muqdisho ayaa  Tilmaamay horumarka iyo Xidhiidhka  iskaashi ee wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya sidii hore loogu dhaqaajin lahaa si loo gaaro natiijooyin lagu qanco oo ka tarjumaya himilooyinka la doonayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker