Dagaallo hor leh oo maanta ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khartoum

Iska horimaadyo culus oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan ee ku sugan caasimadda Khartoum ayaa dhacay, iyadoo ay dhamaatay muddo toddobaatan iyo laba saacadood ah oo xabad joojin lagu heshiiyay.

Ciidamada iyo Xoogaga Gargaarka Degdegga ah ee RSF ayaa dagaalamayay muddo ka badan laba bilood, iyagoo burbur u geystay caasimadda, taasoo sababtay rabshado baahsan oo ka dhacay Daarfuur, waxaana ku barakacay in ka badan laba milyan iyo bar qof.

Mid ka mid ah dadka u ololeeya aadanaha ee Waqooyiga Darfur ayaa sheegay in dunidu ay daawaneyso oo kaliya xad-gudubyada foosha xun ee dhacaya.

Wuxuu sheegay in RSF ay dadka laayaan, isla markaana ay geystaan dhac, guryahana ay gubaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker