Wadanka Cuba oo Waxkabadal Wayn Ku Sameynaya Dastuurkiisa.

(OWN) Dowladda Cuba ayaa dhaqaajineysa isbadallo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo taariikhi ah, kuwaas salka ku haya hindisayaal lasoo jeediyay oo wax looga baddalayo dastuurka.

US Cuba Analysis

Faah-faahin ku saabsan isbadallakan dhinaca dastuuriga ah ayaa waxaa Sabtidi shalay lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee Granma ee ay dowladdu leedahay.

Isbadalladan ayaa waxaa ka mid ah in la abuuro Ra’isulwasaare la shaqeeya madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa maamuli doona dalka, halka Ra’isulwasaarahana uu hogaamin doono dowladda.

Muddada uu madaxweynaha dalka xakumi doono, ayuu isbadalka dastuurka dhigayaa in ay ahaan doonto laba teeram oo min shan sana ah.

Dastuurka cusub ee ay yeelan doonto Cuba ayaa sidoo kale ogolaanaya in dalkaasi uu ka hanaqaado nidaamka suuqa xorta ah, lahaanshaha hantida gaarka ah iyo maalgelin dibadda ah.

Hase ahaatee, awoodda dalka ayaa baaqi kusii ahaan doonto gacanta xisbiga shuuciga ah ee muddada dheer dalkaasi soo xakumayay.

Golaha Shacabka ayaa u codeyna doona qorshahani wax looga baddalayo dastuurka dalka Cuba. Ansixinta ugu danbeysana waxaa lahaan doona afti laga qaadi doono dadweynaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker