Shaqaalo Ka Tirsanaa Hay’addaha Qaramada Midoobay Oo Ku Geeriyooday Diyaaradda Ethiopian Airlines

Qoraal ka soo baxay QM ayaa lagu sheegay inay 19 shaqaale ku weyday shilkii Diyaaradda Ethiopian Airlines ee Duullimaadkeedu ahaa ET 302 oo shalay ka dhacay duleedka Addis Abeba.

 

Shaqaalaha Hay’addaha QM ee ku geeriyootay burburka Diyaaradaasi ayaa kala ah 7 ka tirsan Hay’adda Cuntadda Adduunka ee WFP, 2 ka kala tirsanaa Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR iyo Hay’adda Isgaarsiinta Calaamiga ee ITU.

 

Qoraalka ka soo baxay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York waxaa kaloo lagu xusay in min hal qof ay ka geeriyoodeen Hay’adda Cuntadda iyo Beeraha ee FAO, Ururka Muhaajiriinta Calaamka ee IOM u joogay dalka Sudan, Bangiga Adduunka, Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia (UNSOM).

Sidoo kale, 6 ka tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska QM ee magaalladda Nairobi ayaa iyagana ka mid ahaa shaqaalihii QM ee ku geeriyooday shilka Diyaaradda Ethiopian Airlines.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker