Ololaha doorashada Turkiga oo maraya meel xasaasi ah
Dalka Turkiga, waxaa meel xasaasi ah maraya ololaha doorashada madaxtinimada oo dhici doonta 14 maalin kaddib. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya madaxweyne Erdogan iyo hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Kamal Kilijdarooglu.
Erdogan ayaa dib ugu soo laabtay ololaha doorashada kaddib dhowr maalin oo uu ku maqnaa xanuun. Haddaba muhiimadda doorashadan ayuu Nur Hassan Nur ka wareystay, Bashir Macallim Khalif, oo ah saxafi madax bannaan oo deggan magaalada Istanbul.