Erdoğan oo ku horreeya doorashada ka dhaceysa Turkey
Iyada oo ay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha iyo golayaasha deegaanka ee dalka Turkey ayaa waxa muuqda ifafaalo dadka codeynayaa ay u xaglinayaan dhinaca madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
Laba xog ururin ah oo la sameeyeyay ayaa muujiyey inuu madaxweyne Erdoğan ka horreeyo musharaxa la tartamaya ee Kemal Kılıçdaroğlu. Doorashada ayaa dhici doonta 14 ka May.