Madaxweynaha Maraykanka Trump Oo Go’aan Adag Ka Qaadanaya Arin Muran Badan Dhalisay.
USA-(OWN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ku dhawaaqi doono xaalad deg deg ah, si loo dhiso derbiga xadka ah ee ay la wadaagaan Mexico, iyadoo aan ansixin looga baahneyn xubnaha Koongareyska dalkaasi.
Tallaabadaan ayaa timid ka dib kolkii Mr.Trump uu la kulmay saraakiil ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ah oo diiday ama ku gacanseydhay codsiga Madaxweynaha ee la xidhiidhay in loo ogolaado dhaqaalaha ku baxaya dhismaha derbiga.
Madaxa Aqalka Cad iyo saraakiil ka mid ah Koongereyska ayaa maanta galinka dambe la filayaa in ay mar kale bilaabaan wadahadallo cusub si loo xalliyo xaaladda kacsan.
Mr.Trump ayaa ku adkeysanaya in qeyb ahaan ay xidhnaan doonaan shaqada Dowladda inta loo fasaxayo lacagaha shanta Bilyan ah ee uu doonayo in uu ku dhiso derbiga xadka ah.
Illaa 8-boqol oo kun oo shaqaaale Federaal ah ayaan helin wax lacag ah tan iyo 22-kii bishii hore.
Madaxweyen Trump ayaa ku adkeysanaya arrinta dhismaha derbiga Xuduuda,lamina saadaalin karo halka ay arrimahani u biyo shuban doonaan,balse waxaa sii kordhaya walaaca laga muujinayo gaabiska ku yimid howlihii adeegyada hay’adaha dowladda.