Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Gaaray Soomaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrameysa in si weyn looga sugayo in uu wax ka qabto xaaladaha bini’aadantinimo ee ka sii dareysa ee Soomaaliya, isla markaana uu u muujiyo garab istaaga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ilaa 8 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, waxaana la sheegay in qaybo badan oo dadkaas ka mid ah ay qarka u saaran yihiin macaluul ka dib shan xilli roobaad oo xiriir ah.

Marka la eego kacdoonka islaamiyiinta, dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, gaar ahaan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Horumarka ugu badan ayaa waxaa sabab u ah dadka deegaanka oo aan raali ka ahayn kooxda, taasoo keentay in la sameeyo maleeshiyo beeleedyo tan iyo markii la dhisay isbahaysi si ay dib ugu riixaan Al-Shabab.

Mr Guterrez ayaa la kulmi doona madaxda qaranka Soomaaliya, waxaana la filayaa in war saxafadeed uu ka soo baxo Villa Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker