Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga

Kulankan ayaana daarnaa sidii loo dar dag galin lahaa tababarada iyo tayeenta Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

Saraashiishan oo ka socday Turkiga ayaa Sheegay in ay ka go’antahay dar dar galinta tababarida iyo tayeenta Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraashiisahan iyo Dowladooda sida ay ugarab taagan yihiin tayeenta iyo Tababarada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker