Shiinaha oo isku dayaya inuu bartilmaameedsado goobo muhiim ah oo ku yaalla Taiwan
Shiinuhu ayaa waxa uu u ekey siiyay weerarro sax ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada muhiimka ah ee Taiwan, iyo biyaha hareeraheeda ah, inta lagu guda jiro maalintii labaad ee dhoolatus milatari oo socd.
Dhoolatuskan – oo maamulka Beijing ay ugu magac dartay “digniin adag” jasiiradda iskeed isu maamusho – ayaa tani waxey fal celin u tahay madaxweynaha Taiwan oo safar shaqo ku joogta dalka Mareykanka, tan iyo usbuucii hore.
Sida millatariga Shiinuhu u hareeraynta jasiiradda, dowladda Maraykanku, ayaa waxay ku booriyay Shiinaha inuu muujiyo is xakamayn.
Taiwan ayaa sheegtay in ilaa 70 diyaaradood oo Shiinees ah, ay dul mar mareen hawada jasiiradda Axaddii.
Waxaa sidoo kale la arkay 11 markab oo laga leeyahay dalka Shiinaha.
Sabtidii, Taiwan ayaa waxay sheegtay in 45 diyaaradood oo dagaal ay ka gudbeen khadka dhexe ee marin biyoodka Taiwan – oo ah khadka aan rasmiga ahayn ee u dhexeeya dhulka Taiwan iyo Shiinaha – iyagoo sidoo kale u duuley qaybta koonfur-galbeed ee aagga aqoonsiga difaaca hawada Taiwan.
Hawlgalka, oo ay ugu magac dartay dowladda Shiinaha “Seef Wadajirka” ee maamulka Beijing, ayaa socon doona ilaa Isniinta. Saraakiisha Taiwan, ayaa aad uga carooday howlgalkani.
Sabtidii saraakiisha difaaca ee maamulka Taipei, ayaa ku eedeeyay maamulka Beijing inay u adeegsatay safarka dalka Mareykanka ee Madaxweyne Tsai ” marmarsiiyo, si ay u sameyso dhoolatus militari, kaasoo si weyn u wiiqay nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka”.
Inta uu socda dhoola tuska, ayaa maalin ka mid ah markab Shiinaha laga leeyahay wuxuu rasaas ku riday maraakiib kale xilli ay marayeen meel u dhow jasiiradda Pingtan, oo ah meesha ugu dhow Shiinaha iyo Taiwan ay wadaagaan.
Golaha Arrimaha Badweynta Taiwan, ee maamulkaa Ilaalada Xeebaha, ayaa soo saaray muuqaal muujinaya mid kamid ah maraakiibtooda oo hareeyay markab dagaal oo Shiinuhu leeyahay, inkastoo aanay sheegin meel uu ku sugan yahay.
Muuqaalkan ayaa la maqlayaa badmaax u sheegay markabka Shiinaha laga leeyahay: “Waxaad si ba’an u dhaawacaysaa nabadda, xasilloonida iyo ammaanka gobolka. Fadlan si degdeg ah u soo jeeso oo ka bax aagamo. Haddii aad sii waddo waxaan qaadi doonnaa tillaabo aan isaga kaa difaacayo.”
Iyadoo leyliga Shiinuhu uu dhamaaday qorrax-dhacii fiidnimadii Sabtida, saraakiisha difaaca ee Taipei, ayaa sheegay in kala-soocidda diyaaradaha dagaalku ay mar kale bilaabeen subaxnimadii Axadda