Dagaal ka socda bartamaha degmada Luuq iyo dad badan oo ka qaxaya magaalada

Warrarka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka mar kale dagaal culus uu ka qarxay bartamaha magaalada, kaas oo dhexmaraya miliishiyo beeleedyo wada daga degmada.

Dad goobjoog ah ayaa  sheegay in ugu yaraan afar qof oo kamid ah miliishiyooyinkii dagaalamayay ay ku dhinteen dagaalka, halka 7 kale oo isku jira ciidan iyo rayid ay ku dhawaacmeen.

Qoysas badan ayaa ka qaxaya degmada, iyagoo ka baxsanaya in waxyeelo ka soo gaarto dagaalka socda.

Dagaalka ayaa saaka dib u bilowday kaddib markii ay soo rogaal celiyeen koox shalay dib uga guratay dagaalka.

llaa hadda ma jirto cid kala dhex gashay kooxaha dagaalamaya, marka laga reebo baaqyo nabadeed oo loo jeediyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker