haween Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday

Labo dumar ah oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay mid kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray weerar toogasho ah oo ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil iyo dhakhaatiirta.

Haweenkan ayaa saarnaa gaari shil galay kadib markii lagu rasaaseeyay meel u dhow deegaanka Xamra, ee dooxada Jordan.

Adeegga gaadiidka gargaarka deg dega ah ee ambalaasta ee Magen David Adom ayaa sheegay in laba dumar ah da’dooduna ahayd 20 jir lagu dhawaaqay in ay ku dhinteen goobta.

Tan saddexaad, oo 45 jir ah, ayaa haatan ku jirta xaalad halis ah.

Ciidanka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay “bilaabeen baacsiga argagixisada”.

Dhacdadan ayaa markii hore la sheegay in ay isku dhaceen baabuur ay wateen Israa’iiliyiin iyo baabuur ay wateen falastiiniyiin, balse markii ay askartu yimaadeen waxay ku arkeen dhowr xabbadood oo ku yaalla gaariga Israa’iil, sida ay ciidamadu sheegeen.

Haweeneyda dhaawaca ah ayaa loogu qaaday isbitaalka diyaarad helicopter ah si loogu dabiibo.

Waxaa sii kordhaya rabshadaha u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta tan iyo bilowgii sanadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker