Mas’uul lagu dilay degmada Beledxaawo

Waxaa maanta magaalada Beledxaawo lagu aasay gudoomiye xaafadeed ay xalay koox dabley ah ku dileen magaalada Beledxaawo.

Guddoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Sigad, waxaana dableydaas oo la sheegay inay seddex nin ahaayeen ay u dheceen gurigiisa ayagoo ku dhex dilay marxuumka reerkiisa.

Waxaa kale oo weerarkaas ku dhaawacmay wiil uu dhalay marxuumka, kaas oo dhaawiciisa maanta magaalada Muqdisho loo qaaday.

Faarax Sigad wuxuu ahaa guddoomiyaha xaafadda Goolan Hays ee Beledxaawo. Sidoo kale qarax ayaa ka dhacay isla wakhtiga marxuumka la dilay magaalada Gudaheeda, inkastoo aysan cidna wax ku noqon.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker