Golaha Shacabka Somalia oo Wax iska Waydiinaya in dalka laga furi karo Kaniisado”
Muqdisho (OWN) – Axdiga Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Xiliyada Colaadaha ayay shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka dood geliyeen markii ay horgeysay Wasaaradda Waxbarashadda ee xumuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Fadhiga oo ahaa kulankii saddexaad ee Kalfadhiga 6aad ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan mudaneyaasha Aqalka Hoose.
Xildhibaano fadhiga ka hadlay ayaa qeexay in Axdigan “uusan muhiim ahayn” maadaama “uu ka hor-imaanayo Diinta suuban ee Islaamka”.
Sharcidejiyeyaal kale oo sheegay in tallooyinkii laga taagay Muqdisho aanan loo eegin waxay Diinta Islaamka ka qabto ayaa xusay in Axdiga uu u ogolaanayo dowladaha Masiixiga in ay Kaniisado ka furtaan dalka.
Khal-khal amni ayay cod dheer ku xuseen in uu abuurayo “maadaama ay joogaan kooxaha argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish [ISIL]”.
Mid kamid ah Xildhibaanadda kulanka ka hadlay ayaa daboolka ka qaadey mid kamid ah tafaasiisha halista ah ee Axdiga ku jira.
“Axdiga wuxuu dhigayaa in Kaniisadaha dalka ku yaala in loo ilaaliyo sida Masaajida, marka sidee laysku waafujinayaa Diinta Islaamka oo Dastuurkeena uu sheegayo in ay tahay mida kale ee la ogol yahay”.
Dastuurka qabyadda ah ee federaalka qodobadkiisa labaad farqadihiisa koowaad, labaad iyo saddexaad ayaa xeerinaya arrimahan.
– Diinta Islaamka waa Diinta Dalka
– Diin aan ahayn Diinta Islaamka laguma faafin karo dalka
– Lama soo saari karo shuruuc ka hor imaaneysa shureecada Islaamka.
“Xiligan la joogo dhibaatada furan oo feker Diini ah, hadii aan xeerkan ogolaano, oo la guda galo Kaniisada dhisitaankeena, waxaan is-leeyahay buuq fara badan ayaa nagu furmaya,” ayuu yiri mudane kale oo hadlay.
Xubno kale oo qaba aragti midaan ka duwan ayaa ka hadlay fadhiga, kuwaas oo taageeray sharcigan, iyaga oo cod dheer ku dalbaday in la dedejiyo meelmarinta sharciga oo akhrinta saddexaad la marsiiyey.
“Sharcigan waxaan u arkaa mid wanaagsan oo waxtar leh. Meelaha laga dhaliilayo ee xagga Diinta. Dalkan sanado badan ayuu gumeysi soo haystay oo Kaniisado ka dhisnaayen,wax naga halaabay ma aanan arkin,” ayuu ku doodey.
Soomaaliya oo ah dal dhaca Geeska qaaradda Afrika isla markaana leh xeebta ugu dheer mandiqada derisna la ah dalal Masiixiyiin ah ayaa dadkiisa waxay boqolkiiba boqol yihiin dad Muslimiin oo Sunni.