Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Sheegay inay Isha Ku Hayaan Labis iyo Gaadiid Loo loo eekaysiiyay kuwa ciidanka Qaranka
Ciidanka Qaranka Somaliland isha ayuu ku hayaa muuqalada gaadiidka iyo lebis-ka loo eekaysiiyay kuwa ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu soo bandhigayo Baraha Bulshada.
Ujeeddada cadawgu u usamaynayo arrintaasina waa in uu majaro habaabiyo bulshada sheegtana guul aanay gaadhin oo ah inay qabsadeen gaadiid iyo hub aan jirin.
Sidaa awgeed waxa aanu bulshada iyo warbaahinta kala duwan la wadaagaynaa in aanay ku dagmin muuqaaladaa beenta ee cadawgu faafinayo.
Wasaaradda Gaashaandhiga
Jamhuuriyadda Soomaaliland.