Daawo :- Gudiga Doorashooyinka Somaliland Oo La Filayo In Ay Ku Dhawaaqi Doona Dib U Dhaca Doorashada.
Hargaysa-(OWN)-Doorashooyinkii la filaayey inay dalka ka dhacaan sanadka 2019 bishiisa saddexaad ee golayaasha deeganka iyo wakiilada ayaa waxaa ka hadhay oo kaliya muddo afar bilood ah .
Ilaa hada waxaa aan muuqan saansaan ay doorashadaasi ku dhacdo waxaana la filayaa in kominshanka doorashooyinka Somaliland ay todobaadka soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqaan in dib udhac ku imanaayo wakhtigii ay dhici lahayeen doorashooyinkii.
Sida uu dhigaayo xeerka doorashooyinka qaranka qodobkiisa sagaalad farqadiisa labaad ayaa waxaa uu dhigayaa “ waa in kominshanka doorashooyinku ay cayimaan wakhtiga doorashada 120 maalmood ka hor wakhtiga ay doorashadu dhaceyso “
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan