Maamulaha Guud Ee Shirkadda SAGALJET Iyo Badhasaabka Gobolka Sool Oo Si Wadajir Ah Xadhigga Uga jaray Laanta Shirkadda Ee LAAS-CAANOOD.
Laas-Caanood:(OWN)-Laanta Shirkadda Daabacaddaaha Casriga ah ee Sagaljet ee Magaaladda Laas-caanood oo si weyn loo qalabeeyay,ayaa waxa xadhiga ka jaray Maamulka sare ee Shirkadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Soool,xaruntaas oo markii hore ahayd Xafiis dadka ay ugu soo hagaagaan Alaabaha loo daabaco,ka dib marka Xarunta ay Shirkaddu ku leedahay Magaaladda Loogu soo daabaco,ayaa haatan la geeyay guud ahaanba Qalabkii ay ku hawl-gali lahayd,iyadda oo Xarunta loo qalabeeyay si la mid ah Xarumaha kala ee ay Shirkaddu ku leedahay Magaalooyinka waaweyn ee Dalka.
Qoraal kooban oo ay Shirkaddu Munaasibaddaas kaga hadashay,ayaa waxa uu u dhignaa sida tan; “Maamulaha Guud ee Shirkadda Sagaljet Mudane Cabdi Yusuf Aar oo uu weheliyo Badhasaabka gobolka Sool ayaa si rasmi ah xadhiga u jaray Laanta Shirkaddu ku yeelan doonto Magaalada Laascaanood taasi oo laga heli karo dhamaan adeegyadii laga heli jiray Laamaha kale ee Shirkaddu ku leedahay Somaliland.
Maamulaha Shirkadda oo halkaas hadal ka jeediyay wuxuu sheegay in ka sokow adeegyada macaamiisha shirkaddu ay ka heli doonaan xafiiska, sidoo kale furitaanka laantani ay fursad shaqo-abuur u tahay dhalinyarada iyo shacbiga ku nool Magaalada iyo Guud ahaan Gobolka”.
Shirkadda Daabacadda Casriga ah ee SAGALJET,ayaa ah tan ugu balaadhan Waddanka,isla-markaasna ay dadweynuhu si weyn uga mahad-sheegteen tayadda adeegyadeeda kala duwan,waxaanay shaqaalaha Shirkaddaasi u badan yihiin dhalinyaro ay ka muuqato shaqo-wanaag iyo Qancinta Macmiilka.
Oodweynenews.com/Laas-caanood