Xukuumadda Somaliland Waa Inay Doorato Laba Daran Mid Kuu Daran!!!!!!!!!!.

Tan Iyo Intii Somaliland La Soo Noqotay Xoriyadeedii Luntay 26 June 1960 Ee Kula Midoowday Wadankii Xoriyadda Ka Qaatay 1 Julay 1960 Somaliland Italian, Labadda Wadan Markii Ay Midoobeena La Baxay Republic Of Somalia Ama Jamhuuriyadda Soomaaliya
Somaliland Intii Ay Ku Dhawaaqday 18 May 1991 Inay Tahay Wadan Xoriyaddiisii La Soo Noqday, Balse Aanay Ahayn Maamul Hoosaad Ama Gobol Ka Goostay Wadan Uu Ka Tirsanaa Boqolaal Sano!!!!!!!, Somaliland Intii Ay Jirtayba Waxay Wadamadda Carabta, Gaar Ahaan Wadamadda Sacuudi Carabiya, Masar, Jabuuti Iyo Soomaaliya Kala Kulmaysay Inay Ka Curyaamiyaan Dhaqaalaha Koowaad Ee Somaliland Leedahay Oo Ah Dhoofka Xoolaha Oo Muddo 25 Sano Xoolaha Somaliland Bilaa Sabab Loo Xayirayay, Somaliland Dhaqaalaha Xoolaha Ay Ka Helayso Si Aanay Ugu Samaysan Ciidamo Milateri Oo Leh Mushahar, Gunno, Iyo Daryeel Caafimaad.
Dagaalka Labaadna  Waa Dagaalada Ay Soo Adeegsanayaan Maamul Puntland, Oo Dabada Ka Riixayaan Wadamadaas Aan Kor Ku Xusay, Wuxuuna Noqday Dagaalo Hubaysan Oo Laysu Adeegsaday Hubka Noocyadiisa Kala Duwan Laguna Dagaalamay Laas Caanood, Gambadho ILaa Tukaraq Ee Xiga Xuduudka Soomaaliya Lala Wadaago, Dagaalka Sadexaad Oo Ah Sidii Wadamaddaas Oo Iminkana Dhaq Dhaqaaqyaddii Ugu Waynaa Ka Wada Beelaha Dega Awdal, Saylac, Sool, Buuhoodle Iyo Bariga Sanaag, Beelahaas Oo La Doonayo In La Hubeeyo, Loona Tababaro Ciidamo Gaadhaya Ugu Yaraan Sodon Kun Oo Ku Qalabaysan Hub Casriya Si Loo Helo Wadaddii Lagu Gaadhi Lahaa Ama U Sahli Lahayd Ciidamadda Amisom Sidii Deegaamadaas Looga  Hawl geli Lahaa, Si Loo Helo Habka Ugu Fudud Ee Lagu Heli Karo Midnimo Dambe Oo Dhexmarta Somaliland Iyo Soomaaliya.
Xukuumadda Somaliland Ee Uu Madaxwaynaha Ka Yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxaa La Gudboon Inuu Talo Qaran Isugu Yeedho Golaha Barlamaanka, Sadexda Xisbi Qaran Sidii Go’aan Adag Looga Qaadan Lahaa Wadamadda Cadaadiska Ku Haya Somaliland, Xidhiidhkana Loo Jari Lahaa, Somalilandna Xidhiidh Toosa La Samaysato Wadamadda Kala Ah Imaaraadka Carabta, Cumaan, Turkiga, Qadar, Iran, Israil, Midoowga Yurub, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha, Itoobiya, Kenya, Tansaaniya, Yugaandha, Sinigaal, Simbaabwi, Nayjeeriya, Gaana, Kamaruun, Koonfur Afrika, Wadamadasna Loo Diro Danjirayaal Miisaankoodu Culus Yahay, Oo Saamayn Wayn Ku Yeesha Hadba Wadanka Loo Bedelo Sida Ambassador Baashe Cawil, Wadamadda Cadoowga Ku Ah Somaliland Xidhiidhkooda Hoos Loo Dhigo Ama Si Toosa Xidhiidhka Loogu Jaro Wadamadda Cadoowga Ku Ah Somaliland, Somaliland Ay Xooga Saarto 100% Wadamadda Daneeya Somaliland Inay Hesho Aqoonsi Caalamiya.
Nimaan Warankaagu Gelin Weedhaadu Ma Gasho!!!!, Waa Ayaan Daro Halkii Ugu Dambaysay Iyo fadeexaddii Ugu Waynayd Abid Ee Soo Waajahda Xukuumadda Biixi,
Oo Wadanka Sacuudi Carabiya Cadaystay Cadaawaddii Uu U Hayay Somaliland Intii Ay Xoriyadeeda La Soo Noqotay Oo Uu Leeyahay Soomaaliya Oo Aanay Ka Jirin Dawlad Xukunta 5 Km Waxaad Ka Soo Qaadataan Warqadda Ruqsadda Caafimaadka!!!!!!!!.
Wadanka Sacuudi Carabiya Oo Sidii  Dumar La Kufsanayo Laga ILaalinayo Wadanka Iran!!!!, Waa Wax Lagu Qoslo, Oo Aan Loo Dulqaadan Doonin.
Wadanka Sacuudi Carabiya Miyaanu Ogayn Bugcadda Qaaliga Ah Ee Ku Taalo Somaliland Ee Ay U Baratamayaan Quwadaha Waawayn Ee Reer Galbeedka Iyo Reer Bariga, Oo Labadaas Quwadoodba Midkastaaba Doonayso Inay Saldhig Milateri Ka Samaysato Somaliland, Oo Weliba Loo Kala Dheeraynayo Sidii Wadankastaaba Ugu Dhiiran Lahaa Aqoonsiga Somaliland, Looguna Kala Dheerayn Lahaa Maalgashiyada Caalamiga, Shidaal Soo Saarista, Macdanaha Kala Duwan, Dib U Dhiska Wadanka Iyo Asaaska Arrimaha Bulshadda Insha Allaah.
1. Xukuumadda Somaliland Dhoofka Xoolaha Inay U Wareejiso Wadamo Kale Oo Xoolahooda Uga Raadinayaan Suuqyo Cusub Sida Wadanka Turkiga, Iran, Qadar Iyo Israaiil.
2. Xukuumadda Somaliland Inay Isu Dhiibto Soomaaliya Oo Ay Noqoto Maamul Goboleed Hoos Yimaada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xukuumadda Somaliland Naac, Badhaacis Iyo Nuuc Looma Baahna Waa Inay Go’aan Adag Ka Qaadato Wadanka Sacuudi Carabiya Muddo 48 Saacadood Gudahood
Insha Allaah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker