Daawo Khudbadda Madaxweyne Muuse Biixi ee Oodweyne iyo Fariimihii ku dheehnaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer u jeediyey bulshada reer Oodweyne, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftiga heer qaran ee uu hoggaaminayo, waxana uu xusay soo dhaweyntaasi tahay farriin waddaniyadeed oo muujinaysa sida ay ugu heellan yihiin midnimada iyo horumarka dalka ka socda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxa aad diraysaan farriin qarannimo, mid nabadeed, mid walaalnimo oo aad qaranka oo dhan u diraysaan, maadaama oo aannu nahay wefti heer qaran ahna farriintiinnaas, niyad-wanaaggaas iyo horumarkaas waannu gaadhsiinaynaa, qarankuna wuu idiinka mahadnaqayaa.”
Madaxweynuhu waxa uu shacabka la wadaagay isteraatiijiyadda iyo taariikhda faca-weyn ee magaalada Oodweyne leedahay, isaga oo sheegay inay tahay goob muhiimad gaar ah ugu fadhida qaranka, “Oodweyne waxa ay ahayd meel taariikhda Somaliland fac-weyn ku leh, haddii taariikhdii hore ee Somaliland la eegona meel dad taliya oo dadka wax tara oo magac leh Ilaahay ku abuuray taariikho badanna usoo joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo loo bineeyey laanta Baanka dhexe ee Somaliland ku leeyahay magaalada Oodweyne, taas oo wax weyn ka taraysa bilicda iyo dakhliga magaalada.
Halkan hoose ka daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker