Dhegayso: Dagaal Beeleedkii Walawayn oo Noqday Mid Lagu Hoobtay
Muqdisho (OWN) – Waxaa sii kordhaya dhacdooyinka Argagaxa leh ee ka dhalanaya dagaal Beeleedyada ka socda qeybo ka tirsan dalka.
Iyadoo gelinkii dambe ee shalay dhalinyaro u abaabulan hab beeleed ay qof shacab ah ku gowraceen gudaha degmada Wanllaweyn, kadibna ay meydkiisa gubeen.
Muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada ayuu kasoo muuqday ruuxaas madaxa laga jaray oo meydkiisa la gubayo, iyadoo ay hareeraha ka taaganyihiin dhalinyaro ku faraxsan ficilka ay sameynayaan.
Qofka sidaas loo galay waxaa la sheegay in uu ahaa nin dhalinyaro ah oo madaxa laggaa jiray, waxaana laga qabtay gudaha magaalada Wanllaweyn, iyadoo loo aaneynayo in uu ka dhashay mid ka mid ah, beelaha maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayey halkaas.