Faahfaahin Ciidamada Amaanka Puntland oo gacanta ku dhigay Diyaarada Drones ah oo loo yaqaan Kamikaze
Ciidamada Puntland ayaa shalay gacanta ku dhigay 5 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaano Kamikaze-ka ah oo la rumeysan yahay in la doonayay in lagu fuliyo weeraro qaraxyo ah, sida ay sheegeen saraakiil ciidanka amniga ah.
Diyaaradahan oo la tuhunsan yahay in laga soo tahriibiyey dalka Yemen, lana soo marsiiyey dekedda magaalada Boosaaso, ayaa sidoo kale lagu qabtay 7 qof oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ama Daacish.
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa fuliyay howlgalkan sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka Puntland.
Qabashada diyaaradahan waxay hay’adaha amnigu sheegeen inay ka dhigan tahay dharbaaxo weyn oo ku dhacday kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya.
Diyaaradaha Drones-ka loo yaqaan ee loo qalabeeyay qaadista walxaha qarxa, ayaa waxay muujinayaan kororka casriga ah ee xeeladaha ay adeegsadaan kooxahan, iyagoo ka guuraya weeraradii dhulka ee soo jireenka ahaa, una gudbeen adeegsiga weerrada hawada.
Saraakiisha Puntland ma aysan shaacinin xog faahfaahsan oo ku saabsan soo dhex galka diyaarada iyo sidoo kale baaritaanka lagu hayo dadka la tuhunsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay in sirdoon laga helay ilo maxalli ah iyo kuwo caalami ah ay gacan weyn ka geysteen ka hortagga diyaaradahan.