Qaramada Midoobey Oo Baadheysa Sababaha Keenay In La Ceydhiyo Wakiilkoodii Soomaaliya.
New York-(OWN)-Farhan Haq oo ah ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay si qota dheer ay u baadhayaan sababihii keenay in dowladda Soomaaliya shaqada ka joojiso wakiilkii xoghayaha guud ee QM Nicholas Haysom.

“Waan arag-nay arrinkaan, waxaan isku dayay-naa in aan helno faahfaahin kala duwan iyo Cadeymo waxaana arki doonnaa iyada oo lagu saleynayo wixii tallaabooyin dheeraad ah loo baahan yahay, waana ka fiirsan doonaa” Haq ayaa u sheegay warbaahinta.
Wuxuu sheegay in warka arintan ku saabsan uu soo gaadhay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo dhinaca kale siweyn u cambaareeyay weerarrkii hoobiyaha loo adeegsaday ee lagu qaaday xafiiska UNka ee Muqdisho.
Tallabada dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday wakiilka QM ayaa ku soo beegatay xili siddoo kale shaqaale ka tirsanaa xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya lagu dhaawacay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xaruntooda Soomaaliya ee ku taala xerrada Xalane.
Lama oga go’aanka xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uu ka qaadan doonno go’aanka ay dowladda Soomaaliya shaqada uga joojisay wakiilkoodii Soomaaliya.