Talo ku socota Ismaaciil X. Nuur (Mayorka Cerigabo).

Shir ay yeesheen qurbojoogta Beesha Musa Ismaaciil Bari (Gadhweyn ) oo ku qobsoomey habka Teleconfrence socdayna 16-22/01/20 waxay isla qaateen in waqti xaadarkan ay ha bbloontahay in talooyin aakhiradiisa iyo adduunkiisaba u wanaagsan loosoo jeediyo Mayerka Cerigabo ee Ismaacxiil Xaajiu Nuur.
Waxaa tolweynuhu muddadaas oo ay ku wada xidhhidhayeen isgaarsiintaas TELECONFERENCE aad u lafo gureen xaaladaha gobolka sanaag oo u muuqda mar haddii colaadihii ka dhammaadeen in horumatkiisa loosoo jeedsado lagana shaqeeyo sidii gobolka dhiig cusub loogu shubi lahaa.

Waxaa la isla gartey oo aad loo lafagurey qodobadanL
1. In Mayerka Ceerigaabo oo ah nin weyn oo muxtarim gobolkana usoo shaqeeyey laakiin muddo badan xilkaas hayey lagula taliyo inuu jagadaas banneeyo oo dadka kale jaanis siiyo.
2. In qurbajoogta beesha GADHWEYN ay horumarka gobolka shir looga hadlayo ugu baaqdo beelaha kale ee walaalaha reer sanaag ee gobolka iyaguna deggan
3. In dawladda wixii mashaariic ah ee gobolka sanaag xaq u leeyahay tuulo tuulo ay u gaadhsiisi dadkii ku daba feli lahaana reer sanaag ka tashado.

Dadka baaqa soo saarey magacyadooda
1. Axmed Yuusuf Maax Sweden
2. Cabdiweli Maxamed Axmed yare U.K
3.Hinda Aadan Liibaan Uk
4. Xaamud Shire Jaare Norwey
5. Abdi Shire Jaare Norwey
6. Fuaad Dooddi Australia
7. Maxamuud Cabdillaahi Axmed Dhoorre Finland
8. Yaasmiin Ahmed Adan Sweden
9. Abdillaahi Axmed U.K
10. Liibaan Barre qutur Switzerland
11. Amina Yusuf Boqorre Canada
12. Abdihirad Adan Baaryare USA
13. Axmed-Weli Cabdalle Raage Finland
14. Shadiya Cali Badqas USA.

 

 

Wabillaahi tawfiiq.

faras ali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker