Telefishan Laga Leeyahay Dalka Pakistan Oo Ka Faallooday Lacagta Somaliland.
Hargaysa-(OWN)-Telefishanka Dunyanews Tv oo laga leeyahay dalka Pakistaan ayaa baahiyey shalay qoraal uu kaga hadlay lacagta Somaliland. Waxaanu ku warramay inay tahay dhacdo xiiso badan in lacago aad u badan lagu iibiyo jidadka Suuqyada magaalooyinka dhexdeeda.
Waxa kaloo uu intaas ku daray in qiime dhac ku yimid lacagta Somaliland, waxaanu xusay in halka doolar lagu kala qaato 9000 Sl Sh,halka toban sanno ka hor lagu kala iibsan jiray halka doolar 5,000 SL Sh.
Dunyanews Tv wuxuu ku soo gabogabeeyey in lacagta Somaliland la saadaalinayo inay dhawaan meesha ka baxdo, waxaanu weriyey in aanu Baanka Dhexe ee Somaliland si wanaagsan u maamulin nidaam maaliyadeedka dalka (financial system).
Haddaba, Miyaanay habboonayn inaynu xoojino Baanka dhexe, si uu daboolo shaqada culus ee uu qaranka uga masuulka yahay, isla markaana sii joogtayno wixii horumar ah ee itaalkiisa uu sameeyey rubuc-qarnigii la soo dhaafay.
Sidoo kale waxa daruuri ah in Xukuumaddu qaado tallaabooyin lagu quwaynayo qiimaha lacagteenna oo ah mid ka mid ah astaamaha qaranimo.
#Somaliland
Telefishanka Dunyanews Tv oo laga leeyahay dalka Pakistaan ayaa baahiyey shalay qoraal uu kaga hadlay lacagta Somaliland. Waxaanu ku warramay inay tahay dhacdo xiiso badan in lacago aad u badan lagu iibiyo jidadka Suuqyada magaalooyinka dhexdooda!
Waxa kaloo uu intaas ku daray in qiime dhac ku yimid lacagta Somaliland, waxaanu xusay in halka doolar lagu kala qaato 9000 Sl Sh,halka toban sanno ka hor lagu kala iibsan jiray halka doolar 5,000 SL Sh.
Dunyanews Tv wuxuu ku soo gabogabeeyey in lacagta Somaliland la saadaalinayo inay dhawaan meesha ka baxdo, waxaanu weriyey in aanu Baanka Dhexe ee Somaliland si wanaagsan u maamulin nidaam maaliyadeedka dalka (financial system).
Haddaba, Miyaanay habboonayn inaynu xoojino Baanka dhexe, si uu daboolo shaqada culus ee uu qaranka uga masuulka yahay, isla markaana sii joogtayno wixii horumar ah ee itaalkiisa uu sameeyey rubuc-qarnigii la soo dhaafay.
Sidoo kale waxa daruuri ah in Xukuumaddu qaado tallaabooyin lagu quwaynayo qiimaha lacagteenna oo ah mid ka mid ah astaamaha qaranimo.
#Somaliland
LIFAAQAN EEG
https://dunyanews.tv/…/We…/474353-state-currency-sells-kilos