Goob Ay Baabuurta Waaweyn Soomaalidu dhigtaan oo ku gubatay Magaalada Columbus
Goob ganacsi oo ay Soomaali leeyihiin oo la dhigto baaburta waaweyn oo ku taala magaaladda Columbus ee gobolka Ohio ayaa dab qabsaday oo jimcihii gubatay.
Goobtan oo loo yaqaano Westerville Trucking Parking. Waxaa goobtan ganacsiga ee baabur ku dhow 400 qaada iska leh Soomaali ganacsato ah. Macaamiisha ugu baddan ayaa ah Soomaalida ku shaqaysta ama ka ganacsadda baabuur waaweyn ee gobolka dalka Mareykanka u kala goosha ayaa dab qabsaday welina gubanaya.
Lama sheegin wax sababay dabka iyo sida ay wax u dhaceen. Weli waxaa lala tacaalayaa deminta dabka. Baabuur aad u tiro baddan ayaa goobta yaala.
