Jarmalka oo qabtay nin looga shakiyay in uu qaadi rabay weerar kimiko ah
Nin u dhashay dalka Iran, oo 32 jir ah, ayaa lagu xiray dalka Jarmalka, ka dib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar, isagoo u nisba sheeganaya “Islaamka”.
Ninkan ayaa qorsheynayay inuu isticmaalo walxo Kimiko ah oo qarxa sida kimikada Cyanide iyo ricin si uu u sameeyo “fal halis ah”, Booliska Waqooyiga Rhine-Westphalia, ayaa sidaasi ku sheegay bayaan ay soo saareen.
Waxay weerareen guriga uu ninkan degenaa ee Castrop-Rauxel, ee ku yaalla gobolka Ruhr, halkaasoo ay ka heleen “walaxaha sunta ah”.
Ricin waa hub bayooloji, oo sun ah.
Qof kale, ayaa sidoo kale la xiray, labada ruux oo kalana weli xabsiga ayay ku jiraan.
Warbaahinta Deutsche-Presse Agence (dpa) ee Jarmalka, ayaa ka warbixisay shaqaale badan oo gurmad ah, oo wata dhar qafilan oo goobta soo xaadiray.
Baaritaanka ayaa weli socda, waxaana markii hore aan la ogeyn ilaa inta uu la egyahay qorshaha weerarka.
Eedeynta ‘fal qalalaase halis ah oo qaranka halis gelinaya’, ayaa lagu muteysan karaa xabsi u dhexeeya lix bilood iyo toban sano.
Sannadkii 2016-kii, ayaa weerar gaari xamuul ah, oo lagu qaaday suuqyada xiligii Ciidda Masiixiga ee magaalada Berlin, ayaa waxaa ku dhintay 12 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale.