Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Salaxley oo Madaxa Budh lagala dhacay
Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Salaxley Sheekh Axmed ayaa bakoorad madaxa lagaga dhuftay, iyadoo uu dhaawac kasoo gaadhey madaxa, xilli uu ku sugnaa Gudaha Maxkamadda.
Guddoomiyaha ayaa waxaa dhaawacay nin maxbuus ah oo ku sugnaa Maxkamadda, kaasi oo bakooradda kala booday qof kale oo isna maxkamadda dhex taagnaa, sida uu ii xaqiijiyay Maayirka degmada Sallaxley Axmed Buraale.