Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Beledwayne

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay labo qarax oo ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay xerada Lama galaay ee magaalada Beledweyne ee G/Hiiraan.

Inta la ogyahay ilaa iyo hadda 5 qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dadka qaraxyada ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Hirshabelle Sakariye Hure iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadeey.

Sidoo kale dadka shacabka ayaa khasaare ka soo gaaray qaraxyada, iyadoona dadka ku dhaawacmay la dhigay isbitaalada ku yaala Magaalada Beledweyne.

Sawirrada goobta qaraxa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker