Komishanka iyo Taliska Booliska oo Dardaaran Siiyaay Ciidamda
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf ayaa maanta aad ula dardaaran muhiima siiyay Ciidamada Booliska ee ka hawlgalaayay ilaalinta Sanaaduuqda doorashada iyo guud ahaan amniga dalka.
Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay si hufan iyo geesinimo leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay hawshaasi u qabtaan si waafaqsan qaranimada dalka iyo amniga guud. Sidoo kale, wuxuu ciidamada ku adkeeyay in ay xasiloonida , kala dambaynta ilaaliyaan iyagoo racaaya xeerarka doorashada si ay doorashooyin nabad ah u dhacdo.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Muuse Xasan Yuusuf, ayaa dhankiisa u mahadnaqay ciidamada Booliska ee hawsha culus ee ilaalinta sanaaduuqda doorashada qadaaya , wuxuuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Boolisku ka qataan doorashooyinka iyo hufnaanta habsami u socodka doorashada .











