Nuxurka Socdaal Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Ku Marayo Goobaha Dakhli Ururinta Ee Goboladda Awdal Iyo Salal Ee Cashuuraha Berriga iyo Kastammada
Boorama, February 10, 2019 (OWN) – Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxumed (Dhago-wayne) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa shalay subixii hore u anba-baxay socdaal ay ku mari doonaan Kastamada goboladda Awdal iyo Salal, kaas oo uu soo kormeeray goobaha dakhli ururinta ee magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Cabdiqaadir Dhago-wayne waxa uu isla maanta-ba ka anba-baxay magaaladda Boorama kaas oo usii jeeday dhinaca Kastamada Saylac iyo Lawyo-cado oo uu kormeerkiisan kusoo mari doona.
Sidoo kale socdaalkan Wasiir ku xigeenka ayaa ah kii labaad ee uu kusoo karmeero goobaha dakhli ururinta dalka, isagoo socdaalkiisii hore kusoo kormeeray Kastamadda Wajaale, Kala-baydh, Gabiley iyo Abaarso, isla markaana hawlgalada lagula xisaabtamayo maamulka iyo masuuliyiinta xarumaha dakhliga ayaa noqonay kuwo bilaw ah, isla markaana wakhtiyadda soo socda la libin-laabi doono.
Dhinaca kale Socdaalkan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxumed (Dhago-wayne) ayaa looga gol-leeyahay dardar-galinta iyo kor u qaadista dakhliga dalka, kaas oo lagula xisaabtamayo maamulka iyo masuuliyiinta goobaha dakhliga ee dalka isla markaana sidii ay wasaaraddu u gaadhi lahayd odoroska miisaaniyadeedka 2019 si ay dawladdu u suuro galiso fulinta mashaariicaha horumarineed ee sannadkan loogu tala galay.