Xisbiga Waddani Oo Si Adag U Duray Xukuumadda Faderaalka Somaaliya

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Dahab) oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa si adag u duray Xukuumadda Faderaalka Somaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Siyaasi Dahab oo qoraal dheer soo dhigay Barta uu ku leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook,   ayaa uu sheegay inay Xukuumadda Faderaalka ee Somaaliya, fadhigeedu yahay Magaaladda Muqdisho ay ku fashilan hogaamintii dalka Somaaliya, Isla-markaana ay markasta dagaal qaawan iyo caddiwtinimo ay kula jirto Ummadda Reer Somaliland iyo Qaranimadoodda.

Md Cabdilaahi Axmed Maxamed, ayaa waxa ka mid ahaa hadaladda uu durayey Xukuumadda Faderaalka Somaaliya, Calanka Buluuga ah oo uu ugu baaqay inay iska badalaan, Maadaama oo sida uu xusay calankan ay qaataan dadka shayaadiinta caabudda.
Waxaa xaqiiqo ah oo aan labo ku Muransaneyn maanta in wallaalaha Somaaliya ay haysto dhibaato gacan ku sameysa oo ay sababtay hogaamin ka madhan dhammaan asaaliibta hogaamineed ee bina’aadanku ku badbaado ama ku ilaashado jiritaankiisa iyo qaranimadiisa, waxaa Somaaliya haystaa ma aha keliya faragelin shishiiye, runtii qeyb weyn oo ah faragin shisheeye ahi Waa ay haysataa taas oo iyaduna ka mida meshkeladaha ay abuureen ama qeyb ka yihiin hogaanka Mogadisho, Dhammaan waxaa la iibiyey wax walba oo dalkaasi lahaa, waxaaa meesha ka baxay sharciga iyo kala danbeyntii waxaa taagan dhibaatooyin amni, dhaqaale, Siyaasaddeed, akhlaaqeed, iyo kuwa si toosa u taabanaya Qaranimaddooda.
Qoraalka uu Md Cabdilaahi Dahab uu kula hadlayey Xukuumadda Faderaalka Somaaliya oo dhamaystirani, waxa uu u dhignaa sidan:-“1- Calankii Buluuga ahaa ayaa u baahan iney iska bedelaan maadaama uu noqday calan ay qaataan dadka shayaadiinta caabuda, (calanka sameyskiisii horena waxaa la sheegay in ay u sameeyey gumeystihii kaas oo aan marnaba hadh u jiideyn.
2- dhibaato dastuur, iyagoo sheeganaya qaran lixdan sano jiray, ayaa ay dhibaatadaasi weli taalaa, waxaa jira dastuur aan weli loo cadeyn oo kumeel gaadha qabyana ah welibana wakhtigiisu dhacayo maalmo. Kadib, waxaa la yaab leh dawlad sameysan kari weyday dastuur dhameystiran, oo ku mashquulsan wax aanay dani ugu jirin.
3- dhibaatooyin amni, Waa dal dhammaantii khatar gelinaya caalamaka khaastan Dalalka ay jaarka yihiin, waxaa cashuurta qaata oo weliba Xukuumadda ka qaada kooxo awooda si dadban u haysta oo ka fuliya falkey doonaan kuna dhexjira nidaamka. Muqdisho, Xukuumad, Baarlamaan, Ciidan intaba si xooga ugu dhex jira.
4- Dhibaatooyin maamul oo aanay runtii muuqan xal laga gaadhi karaa, Waa qaab dhismeedka qarankaa aan weli ku heshiin dastuur loo codeeyey, oo u qeybsan dawlado aan ka sawir duwaneyn dawlada Muqdisho.
Hadaba dalkaa ay waxaas oo musiibooyina ceegaagaan waxaa uu jecleysanayaa ama halgan ugu jiraa inuu fadareeyo, ama dhaawaco qaran wallaalahooda oo dheef mooyee aan weligood dhib u geysan.
Qarankaa ay duulaanka ku yihiin waxaa uu haysataa.
1- Calan uu tawxiidku ku xardhan yahay, kaasoo aanay banaaneyn marnaba in qof musin ahi madaro ama dhib u geysto, waana sirta ka dambaysa guusha iyo nolosha wanaagsan ee SL.
2- dastuur loo codeeyey Umadduna ku heshiisay (loo codeeyey markaan leeyahay ma ah codeyntii odeyaal ay gacanta u taageen, ee Waa codeyn qof iyo cod ah.
4- dal ay Xukuumadda oo qudhi cashuurta qaado, amingana ALLAAH ka sokow, Xukuumad gacanta ku haysa.
5- Ciidan Qaran, oo aanay kooxo iyo dawladdo shisheeye ku milneyn, Ciidan madax banaan, Ciidan Ilaalinta Qaranimaddiisa aanay cid kale Alle ka sokow cidi ka caawin ku filan inuu dalkiisa difaaco isagoon u yeedhan dawlado shisheeye.
Haddaba meeshkeeda Somaaliya, Waa mid gacan ku sameysa Waa dhibaato hogaamineed oo aan marnaba aanay ka bixi kareyn ilaa la helo hogaan Ka duwan hogaamada soo maray intey jireen, waxaan arkaa ceelna uma qodna cidina uma maqna .
Waxaanse la yaabaa niyad xumada mar walba haysta kooxda shidhka u gasha hogaanka Mogadisho, iyagoo oo ay waxaas oo dhibaatooyini haystaan waxaa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan iney shacbigan Somaliland ka dhigaan mid sidooda luuf luufa, Waxa’se aanay ogeyn in shacbigani yahay
Kii dawldnimadiisa u hadyeeyey si loo helo qaran xoogan oo ay Soomaali wada leedahay,
Inuu yahay shacbigii markuu arkay in aanay meeshaasi hagaageyn shan farood iyo calaacal ku qaatay xaqiisii, Maantana aan cidna marti uga ahayn jiritaankiisa iyo Qaranimadda”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker