Beeralayda Wadamada Bariga Africa oo khatar ugu Jira Ayax Faro-Baasku Haya Dalagoodii
kun oo qoodi ama Hectares (acres) oo Dhul Beereed ah oo ku yaala dalalka Kenya, Somalia iyo Ethiopia, Ayaa Khatar ugu jira Inuu ku Habsado Ayax aad u Tiro badani.
Taasina waxay Wiiqaysaa Dalagii Usoo Go,ayay Wadamadaaas aynu kor Kusoo Xusnay . Weerarkan uu soo qaaday Ayaxan dilaacay ayaa lagu tilmaamay kii ugu darnaa ee soo mara dalalkani 70-kii sano ee u dambeeyey.
“Ayaxani waxa uu sidoo kale khatar galiyey dalalka, gaar ahaana Koonfurta Sudan, Uganda iyo Eritrea..,” Sidaasi waxa yidhi Bukar Tijani,
oo ah Kaaliyaha Agaasimaha hay’adda FAO, qaybteeda Beeraha iyo ilaalinta dalaga.
Ayaxan ayaa yimid xili markoodii horeba 11 Milyan oo qof oo ku kala noolEthiopia, Somalia iyo Kenya ay daris la ahaayeen hubanti la’aan dhinaca
raashinka ah, waxaanu Ayaxani uga sii daray xaalada sida ay sheegtay hay’adda FAO.
“Sidaa darted, waxa aanu u baahanahay in aanu samayno wax kasta oo lagaga fogaan karo xaaladdan ka sii daraysa,” ayuu yidhi Dominique
Burgeon, Agaasimaha FAO qaybteeda Soo Kabashada iyo Xaaladda Degdega ah, oo socdaal ku marayey gobolada Samburu iyo Kitui, oo ka
mid ah 15 gobol oo uu saameeyey da