Abwaan Sooraan Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Burco

Alla haw Naxariisto waxaa maanta Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer   ku geeriyooday  Majaajilaysto, Jilaa, Iyo  Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo si weyn loo yaqaanay deegaanada Soomaalida.

Abwaan Sooraan Ismaaciil ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, waxaana xanuunkii haayay uu ugu geeriyooday cisbitaal ku yaalla Magaalada Burco oo uu ku jiray.

Geerida ku timid Abwaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha Isbitaalka Burco Dr. Cabdi Suudi iyo qaar kamid Eheladiisa, waxaana geerida Sooraan Ismaaciil ka tacsiyeeyay Abwaano Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan.

Allaha u naxariistee Sooraan ayaa waxaa uu ahaa Majaajiliiste caan ku ahaa jilista sheekooyinka, isla markaana waxaa uu sidoo kale sameeyn jiray ruwaayadaha, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker